Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska oo uu weheliyo guddoomiyaha gobolka Sanaag ayaa barnaamij lagu tabobaraya dhalinyarada ka daahfuray magaalo madaxda gobolkaasi ee Ceerigaabo.

Barnaamijkan oo loogu talo’galay in lagu tabobaro 40 ka mid ah dhallinyarada magaalada ceerigaabo ayaa lagu baranaya xirfadaha dawaarka, biyo’gelinta, nijaaridda iyo laydhka, waxaana uu soconayaa siday mas’uuliyiintu sheegeen muddo lix bilood ah.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda shaqo’gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Mustafe Cali Godane Bile, waxaana uu sheegay in barnaamijkan ay ugu talo galeen sidii dhalinyarta loogu bari lahaa xirfado ay ku shaqaysan karaan, isagoo xusay in gobollada kale ee dalka ay kasoo fuliyeen barnaamijaasi, waxaana uu ugu baaqay dhallinyarada degmada Ceerigaabo inay dedaal dheeri ah ku bixiyaan sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen barnaamijkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Eng Axmed Cismaan Xasan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa uga mahad’celiyay wasaaradda shaqo’gelinta barnaamijkaasi xirfadda loogu abuurayo dhalinyarada degmada Ceerigaabo, isagoo ugu baaqay in degmooyinka kale ee gobolka inay gaadhsiiyaan barnaamijkaasi.

war celin