Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka ayaa magaalada Berbera ka daah furay barnaamijka barashada dastuurka iyo waddaniyaddda oo loo furay xubanaha golayaasha deegaanka ee degmooyinka Berbera.

Barnaamijkan ayaa socon doona shan maalmood waxaana lagu baranayaa waddaniyadda iyo barashada dastuurka Somaliland, waxaana kulankaasi ka qayb galay, guddoomiyaha gobolka Saaxil, maayar ku xigeenka degmada Berbera, xoghayaha dawladda hoose ee Berbera iyo xubnaha cusub ee golaha deegaanka ee degmada Berbera.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay xoghayaha dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, oo kula dardaarmay golaha deegaanka barashada waddaniyadda iyo dastuurka oo sheegay in ahmiyad weyn ay u leedahay golayaasha cusub barashada waddaniyadda iyo arrimaha dastuurku. Maayar ku xigeenka degmada Berbera Nuur Cadde ayaa isna dhankiisa sheegay inay aad u danaynayaan barashada waddaniyadda iyo dastuurka oo ah waxyaabaha ugu muhiimsan marka laga hadlayo dawladnimada, waxaana uu ugu baaqay golayaasha inay xil iska saaraan arrimaha waddinaydda iyo dasuurka.

Gebo gebadii, waxa madashaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan oo sheegay in wasaarad ahaan ay aad u soo dhawaynayaan in golaha cusub ee deegaanka ee degmada Berbera ay u furaan tabobar la xidhiidha barashada arrimaha dastuurka Somaliland iyo waddaniyadda, isagoo kula dardaarmay inay tabobarkaasi ay ka faa’ideystaan.

Sida uu ku soo warramay Weriyaha Wakaaladda Wararka ee gobolka Hawd, Maxamed Jiciir Aw Axmed, Badhasaabka Gobolka Hawd Axmed Cige yare, ayaa dhawaan Guddiyo kala duwan u saaray xalinta iyo soo afjarida dacwada u dhexaysa labadaas qoys.

Guddoomiyaha Gobolka Hawd oo uu weheliyey Guddoomiyaha Maxkamadda Gobol degmo, Guddida Nabadgelyada Gobolka Hawd iyo labada qoys ee ku muransanaa dhulkaasi ayaa si kulan ay yeesheen kaga dhawaaqay in xal waara oo heshiis lagu yahay laga gaadhay dacwadaasi.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobol degmo ee gobolka Hawd, Sh. Cabdilaahi  Maxamuud Aw Cabdi ayaa sheegay in kiiska dacwada dhulka labada qoys ku muransanaayeen uu ahaa mid soo jiitay oo gaadhay illaa maxkamadda sare, hase ahaatee ay dacwadaasi xal labada dhinac ku heshiis yihiin laga gaadhay, waxaanu ammaanay Badhasaabka Hawd oo uu xusay inuu dedaal geliyo sidii uu u soo afjari lahaa dhulkaas la isku haystay muddada saddonka sannadood ah.

Guddoomiyaha Gobolka Hawd, Axmed Cige yare oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay laba dhinac ku qanciyeen inay dhaar ku kala baxaan isla markaana ay heshiis ku yihiin dhul ay isku haysteen illaa 1998kii.

war celin