Waxan Ahay Qof Dadka Kaalmeeya!

0

Waxan Ahay Qof Dadka Kaalmeeya!

Xogside Hetty Green waxa ay ahayd islaantii ugu taajirsnayd dalka Maraykanka. Hetty Green waxay ku dhimatay bishii July 13, sanadkii 1916, iyadoo da’deedu tahay 81 sano, guriga wiilka ay dhashay ee ku yaallay New York.

Waxa ay caan ku ahayd inay tahay qofk,a ugu bakhaylsan caalamka marka la eego dhaqankeeda iyo hantideeda waxaana lagu diiwaan geliyay buugga Guinness Book ee lagu diiwaangeliyo dadka la yimaadda ariimo cajiib ah.Waxan Ahay Qof Dadka Kaalmeeya!

Waxa ay dhimatay markii ay gabadh jaariyad ah oo akhlaaq wanaagsan oo u shaqaynaysay ay ku murmaeen caano aanay khafiif  ka dhigin.

Sida uu dabaacay New York Times waxay u dhimatay markii dhiig kar halis ah ku dhuftay cadhadii ay ka qaaday sida aanay waxba u madhixnayn Jaariyadu, hantidana tasaruf ku luminayso.Waxan Ahay Qof Dadka Kaalmeeya!

Inkasta oo ay Green ahayd dumarka ugu qanisan taariikhda dunida, haddana xataa may lahayn gaadhi u gaar ah “private car”, iyadoo wax kasta u diidanayd heerka bakhaylnimo ee ay gaadhay. Waxan Ahay Qof Dadka Kaalmeeya!

Waxa ay aaminsanayd in laga fogaado raaxda iyo  nolosha wanaagsan waxaana uu ka mid aha arinkaasi qaynuunka nolosheeda, tan iyo markii ay u guurtay guriga wiilkeedana waxay u noolayd sida dadka saboolka ah iyadoo deganayd qol aad u yar oo xataa qof kale aanu la degi karin.

Waxan Ahay Qof Dadka Kaalmeeya!

war celin