Xayawaan yar oo lagu magacaabo Shrimp oo aan lahayn laf dhabar  isla markaana ah biyo ku nool ayaa noqday mid laga helo dunida inteeda badan. Laakiin dad badani ma oga in xayawaankan qaarkood ay  yihiin dhakhaatiir ilkaha Nibriga dawaysa.  Waxa yaab noqotay in Nibriga iyo xataa Kaluunada waaweyn  oo ka cabanaya in afkiisa uu jiro xanuun bakteriya ama parasites ay u yimaadaan  xayawaanka Shrimp isla markaana uu  afka kala qaado, wakhtigaasi ayuu gala Shrimp afka Kaluunkaasi ama Nibrigaasi oo ka soo  nadiifiyaa dhamaan bakeetriyada ku jirta afkiisa taasi oo uu sababay cuntada ku hadhay afkiisa.

Xaywaankan yar ayaan ka soo bixin afkooda isagoo dhamaan Bakteeriyada iyo wixi hadhaa raashin ah ee ku hadhay ka dhameeya mooyaane.

Xidhiidhka ka dhexeeya  labadan xayawaan ayaa amankaag abuuray  maxaa yeellay xayawaankan yari  ee Jumburi ama Shrimp wuxu raashin ka dhigtaa hadhaaga cuntada ee uu ka helo afka Kaluunka  ama Nibriga ah, halka isagana xuudkana uu afkiisu mid nadiif ah oo caafimaad qaba u noqonayo isgaoo aan bixin haba yaraatee wax kharash ah.

Xaywaankan ayaa ku nool biyaha badaha addunka tan macaan iyo kuwa dhanaanba. Nin Bad quuse ah oo  arinkan uu kuur galay ayaa sheegay inay tani la mid tahay mucjisooyinka badan ee dunida lagu arko.

 

war celin