Xidhiidhka Ka Dhexeeya Dhalinyarada Qaadka Cuna Iyo Shaqada la’aanta

0
Xidhiidhka Ka Dhexeeya Dhalinyarada Qaadka Cuna Iyo Shaqada la’aanta

Xogside – Xidhiidhka  ka dhexeeya shaqo la’aanta iyo qaadku waa mid aad u balaadhan taas oo bulshadeenu u  baahan tahay in loo iftiimiyo  dhibaatooyinka qaadka oo imika maraya xaaladihii ugu adkaa ee aynu la  kulano,  xidhiidhka ka dhexeeya qaadka iyo shaqo la’aantu waa mid u baahan In la ogaado maxaa yeelay  shaqo la’aantu waa   sababaha ugu  waa weyn ee sababa in la qayilo ama la caadaysto.Xidhiidhka Ka Dhexeeya Dhalinyarada Qaadka Cuna Iyo Shaqada la'aanta

Shaqo la’aanta se maxaa sababaya in ay noqoto mid joogta ah oo aan is bedelin su,aalaha meesha yaala waxa weeye sidee qaadka dadka looga joojinkaraa sideese  shaqo abuuris loo samaynkaraa iyadoo laga duulayo joojinta qaadka iyo balwadaha la midka ah.Xidhiidhka Ka Dhexeeya Dhalinyarada Qaadka Cuna Iyo Shaqada la'aanta

Haddii la sameeyo dadaal xoogan iyo kulamo waa weyn oo u dhexeeya bulshada qaybaheeda kala duwan sida dhalinyarad, ganacsatada,Culimu awdiinka, Aqoonyahanka, Dawlada  iyo dhamaan dadka qaadka ka ganacsado dabadeedna la sameeyo sidii  dadka looga joojin lahaa qaadka iyo sidii dadka ka ganacsada qaadka loogu saamayn lahaa ganacsiyo kale oo xalaal ah, naftooda iyo noloshoodana ka dhigaya mid wanaagsan, marka kulamadaas la sameeyo waxa ka soo baxaya xal wanaagsan oo wax lagaga qaban karo qaadka iyo I.w.m.Xidhiidhka Ka Dhexeeya Dhalinyarada Qaadka Cuna Iyo Shaqada la'aanta

Qaadku waa  geed cagaaran kaas oo dhalinteenii iyo dhaqaalaheenii ba baabiiyey  waxaanu  saamayn balaadhan ku yeeshay  qoysas badan oo ku nool  magaalooyinka somalida iyo wadamada jaarka ahba  kaas oo  kala kaxeeyay qoysas Is jecel  oo wada noolaa, wuxuu  dhalin badan ka dhigay dhalin waalan, wuxuu dad badan ka baabiiyey dhaqalahoodii, waxanu dhalin badan ka eryay shaqadoodii , waxanu dhalin badan ka baabiiyey  wakhti badan oo ay ka faaiideysan lahaayeen kuna saamayn lahaayeen wax soo saar balaadhan, qaadku wuxuu dhalinyaro badan ku dhiiri galiyay inay tahriibaan kuwaas  oo naftoodii iyo noloshoodiiba uu galaaftay.Xidhiidhka Ka Dhexeeya Dhalinyarada Qaadka Cuna Iyo Shaqada la'aanta

Maxaa sababaya inay dhalinyaro badan ay isticmaasho qaadka ?

Ta ugu daran ee sababtay in dhalinyaro badan oo kala duwan oo nooc kasta lehi ay isticmaasho qaadka iyo waxyaalaha la mid ahi waa shaqo la’aanta ka jirta   taas oo dhalinyaro badan ay niyada galiyaan in qaadku u noqdo wakhti lumis, marka aad waraysatid dhalinyaro badan oo ah kuwa qaadka cuna ayaa waxa ay kuu sheegayaan inay wakhtiga faraha badan ku luminayaan kuwaas oo si sahlan u isticmaala iyagoo niyadooda galinaya in uu wax badan ka badbaadiyay qaadku.

Maxaa sababaya inay dhalinyaro badan ay isticmaasho qaadka ?
Runtii kuwa sida u fikiraya waa qaar u baahan in la siiyo talooyin badan oo wax u taraya noloshooda iyo naftoodaba. Dhibaatooyinka  qaadku waa ay badan yihiin waana cadawga dhaqaalaha, horumarka, shaqada, cibaadada, iyo isku xidhka bulshada, wuxuu baabiiyaa xoolaha  oo qaad awgii loo xaraasho xoolihii reerka iyo hantidii kala duwanayd ee reerka kaas oo uu markaas qofka qaadka cunayaa uu  niyada galinayo inuu lacagta ka soo baxda uu ku isticmaalo arimo kale laakin sida uu ugu qaylayo  ay ka dhamaato lacagtii  uu haystay.Xidhiidhka Ka Dhexeeya Dhalinyarada Qaadka Cuna Iyo Shaqada la'aanta

Qaadku wuxuu aad u wax yeeleeyaa qofkasta oo isticmaala waxaanu saamayn ku reebaa dhamaan noloshiisa oo dhan kaas, kama dambaystana qofka ka dhiga qof waalan ama aan la garan Karin xanuun haya.

Hadaan u soo dhaadhaco saamaynta xaga shaqo la’aanta, runtii cidkastaa waa ay ogtahay in qaadka uu ka mid yahay sababaha waa weyn ee ay umadeenu u shaqaysan la dahay maxaa yeelay waxa suuro gal ah oo la arki karaa in qofkastaa uu  wakhtiga qaadka fadhiyi karo in ka badan 12 saacadood meel kaliya laakin waxa la ogaaday inaan qofna uusan shaqaysan Karin wakhti dhan 12 saacadood ama aanu beeran Karin beertiisa in ka badan 12 saacadood taasina waxay ku tusaysaa in qaadku yahay cadawga wax  soo saarka iyo wax qabadka dhabta.

Shaqo la’aantu waa mushkiladaha ugu waa weyn ee haysta dhalinteena waxaana ay shaqo la’aantaasi sababtay in dhalinyaradeenii  ay bilaabaan balwado xun xun oo ay ka mid yihiin qaadka, sigaarka iyo shiishada iyagoo ku badalanaya qaybtii shaqada.

Hadal iyo dhamaan waxaan ku boorinayaa dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan inaynu bilawno olole aynu ku dhiiri galinayno in dhalinyarad qaadka la joojiso  iyo sidii shaqo abuur balaadhan loogu saamayn lahaan dhalinyarada kala duwan ee ka soo qalin jabiyey jaamacada kala duwan.

Waxaan kaloo ku boorinayaa dhamaan ganacsatada waa weyn ee reer somalida inay xooga saaraan sidii ay wax soo saar u saamayn lahaayeen iyagoo xooga saaraya inay sameeyaan warshado  runtii waxa banaan jaanisyo aad iyo aad u balaadhan kuwaas oo laga faaiideysan karo lagana helayo faaidooyin balaadhan.

Waxaan dhamaan cidkasta oo  cunta qaadka  aan leeyahay iska daaya oo ku badasha wax manaafacaad  ah  oo naftiina iyo dhaqaalihiina wax u taraya, cidkastaana waa ay og tahay in qaadka ay ugu yaraan ay ku jiraan 11 alcohol oo aad u waxyeelanaysa qaab nololeedka qofka cuna.

Waxaan ku soo koobayaa qaadku waa cadawga horumarka iyo wax soo saarka waa cadawga waxbarashada, waa cadawga khayrka, waana cadawga dhaqaalaha iyo wakhtiga iyo cadawga dhalinta mustaqbalka ee ha laga waantoobo.
Dhalintana waxaan leeyahay dalka shaqo way taalaa  ee aynu u fikirno sidii aynu inagu u noqon lahayn dad sameeya shaqooyin iyo wax soo saar laakiin yaynaan noqon dad shaqo un suga.

Waxan u rajaynayaa dhalinyarada somalida ee meelkasta oo ay joogaan inuu illaahay inta  leh balwadaha sida qaadka I.W.M  uu  Iillahay  ka joojiyo, inta aan qaylina uu illahay Ka sii fogeeyo.

Xidhiidhka Ka Dhexeeya Dhalinyarada Qaadka Cuna Iyo Shaqada la’aanta

Qaadku waa  geed cagaaran kaas oo dhalinteenii iyo dhaqaalaheenii ba baabiiyey  waxaanu  saamayn balaadhan ku yeeshay  qoysas badan oo ku nool  magaalooyinka somalida

war celin