Khubaro u dhalatay wadanka Japan ayaa soo gunaanaday daraasad saabsanayd hurdada iyo raadadka ay ku yeelato xusuusta dadka. khubaradan oo ka socotay jaamacadda lagu magcaabo Tsukuba University ayaa sheegay inay ka eegayeen daraasadan intii ay wadeen dhinaca tayada maskaxda ee shaqada , sida qaybaha xusuusta ee maskaxdu xidhiidhka ay leedahay hurdada.

khubaradan waxay eegayeen waxyaalaha maskaxda dhex mara ee loo yaqaano  Delta Waves, kuwaas oo lagu tijaabiyey jiirka.

Delta Waves ayaa ah mawjado ka yimaada maskaxda oo jidhka taga waqtiga hurdada lagu jiro,kuwaas oo inta badan ah kuwa keena inay xusuusto dib u soo noqoto,waxaanay khubaradani sheegeen in waqtiga hurdada, gaar ahaana hurdada lagu noq noqdo ay keento inay yaraadaan mawjadahaasi, taas oo qofku cidhiidhi ka qaado isla markaana noqdo mid cadhadu ku badato.

khubaradan ayaa sheegay in qofka oo hurdo ku filan seexda ay keento inuu qofku helo xusuusta oo wanaagsanata iyo jidhka oo nasta, gaar ahaana maalinimada oo ay sheegeen in muddo kasta oo uu seexdaa ku filan tahay qofka.

Aqoonyahanadan ayaa sheegay in Delta Waves ay ka caawiyaan maskaxda iyo xusuustaba  in maskaxdu ay noqoto mid degta, sidoo kalena shaqadeedu u socoto si degan, gaar ahaana ay aad u shaqeeyaan habeenkii.waxaanay daraasadooda ku soo xidhay in 20% habeenkii ka mid ah oo si fiican loo seeexdo ay keento in qofka  maskaxdiisu subixii noqoto mid si fiican u shaqaysa, isla markaaana caafimaad qabta.

war celin