Xikmadaha Maanta

0
  • Haddii aanad si wanaagsan u qaban karin hawsha laga rabo isku dey inaad u eekaysiiso inaad sidii ugu wanaagsanayd u qabatay.
  • Aqoontu waa macluumaad lagu sheegay, caqliguna waa kan kaydiya oo dhaqan geliya.
  • Qirashada guuladaradu waa dhabaha guusha lagu gaadho,
  • Si aad u guulaysato mararka qaarkood waa inaad halista iyo khataraha u badheedha.
  • Ha samayn mar kale isla go’aankii fashilka keenay.
  • Xikmada Maanta - Wargeyska Dawan
  • Cunsuriyadu waa rabitaanka diidan in dadka laga tirada badan yahay sare isu taagaan.
  • Dulqaadku waa qaybta ugu muhiimsan ee guusha.
  • Qof kasta waxa uu u baahan yahay tababare, maaha ciyaar yahanka keliya.
  • Marka aad rabto in ilmahaagu waxbarasho wanaagsan helo, raadi macalin fiican laakiin ha raadin dugsi wanaagsan, waayo cilmi baadhis ayaa caddaysay in farqi weyni u dhexeeyo ardayga guushiisa iyo dugsigiisa iyo xataa fasalakiisa iyo macalinkiisa
  • Xikmada Maanta - Wargeyska Dawan
  • Xikmad:  Boqor kasta oo weyni wuxu ahaa ilma yar oo ooyaya, dhisme kasta oo adagani wuxuu ahaa meel banaan. Muhimadu maaha waxa aad maanta tahay waa wax aad noqon doonto berri.

     

    Xikmad; Awood uma lihid inaad bedesho muuqaalkaaga si aad u noqoto kan dadka ugu quruxda badan laakiin waxaad awood u leedahay inaad bedesho dhaqankaaga si aad u noqoto kan dadka ugu akhlaaqda wanaagsan.Aqri - Xikmad | Xikmado

     

    Xikmad:  Shimbiruhu waxay cunaan qudhaanjada, laakiin markay dhintaan qudhaanjada ayaa cunta, sidaasi ayay duruufaha dunidu isu bedelaan  .   Nin ayaa saaxiibkii ku yidhi isagoo fooq  hoos jooga, xagee ayaynu ku maqnayn markii la qaybsanayay xoolaha fooqyadan lagu dhistay?  Saaxiibkii ayaa gacanta qabtay oo geeyay Isbitaal  u dhowaa waxaana uu ku yidhi : “ Xagee ayaynu ku maqnayn markii waxan oo xanuun ah la qaybinayay?  Haddaba mar kasta Allah (sw) u mahadnaq.

    Nabiliyonki Yurub  xukumi jiray qarniyadii dhexe ayaa yidhi :” Taariikhdu waa been la ururiyay oo haddana la isla ogolaaday”.XIKMADO XAQIIQ AH

  • Xikmadaha Maanta

war celin