Hoggaanka Xisbiga Waddani waxa ay Guddida Fulinta u soo jeediyeen Anshax Marin Laba mas’uul oo ka tirsana Xisbiga kuwaas oo ku gefay marar badan Xeerarka Xisbiga iyo Mabaad’iida Guud ee uu u taagan yahay Xisbiga WADDANI, kuwaas oo kala ah: 1. Mudane Cabdillaahi Axmed Maxamed iyo 2. Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa, iyaga oo lagu soo oogay in jabiyeen qoddobada lagu waayo Xubinnimada Xisbiga WADDANI ee Xeer Hoosaadka Xisbiga, ee kala ah Qoddobka 9aad iyo Qoddobka 10aad.
Guddida Fulinta ee Xisbiga WADDANI waxa ay cod gacan tag ah oo Aqlabiyad ah Hoggankii, Fulintii, Golaha Dhexe iyo Xubinnimada Xisbiga kaga saareen Mudane Cabdillaahi Axmed Maxamed, iyo sida oo kale waxa ay cod gacan tag ah oo aqlabiyad ah Fulintii, Golihii Dhexe iyo Xubinnimadii kaga saareen Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa.

war celin