Xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Burco Cismaan Sheekh Cismaan Nuur ayaa beeniyay warar la faafiyay oo sheegaya in shaqaale laga eryay dawladda hoose ee Burco.

Xoghayaha fulinta dawladda hoose ee degmada Burco ayaa sheegay in aanu jirin wax ka run ah wararka sheegaaya in shaqaale u shaqaynayay dawladda hoose ee Burco la eryay. Xoghayaha oo u waramayay warbaahinta ayaa sheegay inay jiraan shaqaale lagu sameynaayo hubin iyo qaar kale oo laga hakiyay shaqada kuwaasoo ka shaqeynaayay degmooyinka iyo kaamamka hoos taga degmada Burco. Xoghayuhu waxa uu intaas ku daray in shaqada iyo mushaharkaba ay u sii daayeen shaqaalaha ka hawlgala degmooyinka iyo kaamamka hoos yiimaadda, halka hubin lagu samaynayo qaar ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya dawladda hoose ee degmada Burco.

Geesta kale, xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Burco waxa uu intaas raaciyay in dawladda hoose ee degmada Burco ay hubinayso markii ugu horreysay shaqaalaha gunnooyinka iyo mushaharka qaata, si loola xisaabtamo shaqaalaha aan iman goobahooda shaqo ee dibadda magaalada ku nool. Isagoo intaas ku daray in qofkasta oo shaqaale ah xaq loogu leeyahay inuu shaqeeyo oo saacadaha laga iibsaday qaranka uu u shaqeeyo. Gebogebadii xoghayahu waxa uu xusay inaanay dib u dhacayn in cid aan shaqo u qaban dawladda hoose ee Burco ay ka mushahar qaadato dawladda hoose ee degmadaasi Burco.

war celin