xuska maalinta AIDS ka adduunka oo lagu qabtay Hargeysa

0

Hargeysa (Xogside) – Waxa maanta laga xusay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa maalinta xanuunka AIDS-ka adduunka, xuskaasoo uu soo agaasimay komishanka la dagaalanka xanuunkaasi ee Somaliland.Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo wecyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali

Munaasibaddan oo sannadkasta laga xuso adduunyada 1-da December ayaa waxa ugu horreyn ka hadlay agaasimaha fulinta ee Komishanka xakamaynta Aids-ka Somaliland Axmed Ismaaciil, oo sheegay in muhiim ay tahay xuska maalintani, isagoo tilmaamay in komishan ahaan ay ku faraxsan yihiin inay soo abaabulaan xuska maalinta AIDS-ka adduunka.xuska maalinta AIDS ka adduunka oo lagu qabtay  Hargeysa

Agaasimuhu waxa uu intaas ku  daray in bulshada looga baahan yahay inay dhawraan sharafta iyo nafsadda dadka la nool xanuunkaasi, isla mar ahaantaana ay u isticmaalaan luuqad anshax ahaan habboon, oo ay ka daayaan faquuqa iyo waxkasta oo dareen siin kara go’doon.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo wecyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa sheegay in dhawaanahan dadka lagu weycigeliyay in aan la is faquuqin, isla markaana ay wax weyni hadda iska badalayaan aragtida bulshada ee xanuunkan.

xuska maalinta AIDS ka adduunka oo lagu qabtay Hargeysadagaalanka xanuunka

war celin